huruud
(m.dh)

1. Sacfaraan. 2. Budo hurdi ah oo haweenku wejiga, gacmaha iyo lugaha ku qurxistaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh huruud

cadwoob [m.l]
(baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.

cas [m.l]
1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan.

huruudsad [m.l]
ld huruudsasho.

huruudsasho [m.f.dh]
eeg huruudso. ld huruudsad.

huruudso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Huruud marsasho.

isbaandhays [m.l]
1. Geed dheer oo qodax leh oo dhala miro midab huruud ah leh oo la cuno dhexdana ku leh laf qodaxyo leh. 2. Miraha geedkaas dhala. ld isboondheys .

khidmo-shuruud [m.dh]
(dii.) Quraanka oo dhan ama qaarkiis oo qof jirran lagu dul akhriyo.

shuruud [m.dh]
1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).

shuruudla'aan [m.dh.fk]
Shardi ku xirnaan la'aan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg