hus
(Erey Dareen | Exclamation)

Aammus!; shib dheh!; us.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hus

dhudhus [m.l]
ld dhusundhus.

dhusaas [m.dh]
Ciddood (ugaar), ka weyn sagaaradana, eeladana ka yar.

dhusinraac [m.l]
(baay.) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.

dhusundhus [m.l]
(dhusundhus, m.dh) Geed-quwaax leh dheecaan dufan leh oo urtiisu sida gaaska tahay. ld dhudhus.

dhusuq [m.l]
Uskag; wasakh.

khusayn [m.f.dh]
eeg khusee.

khusee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -saysay)
Arrin iwm ku lug lahaan.

khushi [m.l]
Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.

khushiye [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Kh. ah: qof qalaase ama fawdo abuure ah.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg