huur
(m.l)

Kulayl hawo la'aani keentay.

huur
(m.l)

(fiis.) Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada.

huur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Nafley kulayl dareemid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh huur

qaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld

saawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.

yirid [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. ld yerid (1).

beden [m.l] (-emmo /-enno, m.dh)
1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.

caaryo [m.dh]
Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iwm yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.

canshuur [m.dh] (-ro, m.l)
Lacag boqolkiiba in laga qaado hantida dadweynaha si ay dawladdu ugu fuliso danta guud. ld cashuur¹.

canshuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Hanti canshuur ka bixin. 2. Cid canaadid. ld cashuur².

canshuuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la canshuuray ahaansho (hanti). ld cashuuran.

canshuurasho [m.f.dh]
eeg canshuuro. ld cashuurasho.

canshuurid [m.f.dh]
eeg canshuur². ld cashuurid.

hu [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dhar la qaato. 2. ld hub¹. ld hub¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg