huwad
(m.l)

ld huwasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh huwad

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

buste [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Go'weyn oo dhogor jilicsan ka samaysan oo la huwado, sariirtana la saarto; kubbeerto.

dhar [m.l]
1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis.

garoonshiid [m.l]
Go'darbaal ah oo askartu huwadaan ama gogladaa.

go' [m.l] (-'yaal, m.l/dh)
1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.

hullaab [m.dh]
1. Qaabka marada qaarka sare looga huwado. 2. Marada qaarka sare laga qaato inteeda madaxa lagu dedo. 3. ld hullaabid.

huwasho [m.f.dh]
eeg huwo. ld huwad.

kubeerto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Go'weyn oo dhogor jilicsan laga sameeyo oo dugsoon oo sariiraha la saaro, xilliga dhaxantana la huwado; buste.

shaal [m.l] (-lal, m.l)
1. Go'la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg