huwan
(m.dh) (-nno, m.dh)

Dad dano gaar ah heshiis ku ah.

huwan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Cid wax ku daboolan ahaansho. ld hugan² (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh huwan

naayaa [u.j]
Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.

balaaqo [m.dh]
Hadal murti badan huwan oo sida uu u yaal macne ka duwan leh.

dhood [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Hadal ammaan iyo isla weynaan huwan qof iska sheegid.

dhuwan [m.l]
Miro ka baxa shillanka iyo kediga oo la cuno.

huwanaan [m.f.dh]
eeg huwan². ld huwa-naansho.

huwanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld huwanaan.

mudan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
1. Qof wax u qalama ahaansho. 2. Qof wax sharaf huwan ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg