iimaan
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (-nno, m.dh) Ugaas, Islaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iimaan

barakayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.

iimaandarro [m.dh]
Qanaaco la'aanta. ld iimaanxumo.

iimaansad [m.l]
ld iimaansasho.

iimaansasho [m.f.dh]
eeg iimaanso. ld iimaansad, iimaansi.

iimaansi [m.l]
ld iimaansasho.

iimaanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax yar ku raali noqosho.

iimaanxumo [m.dh]
ld iimaandarro.

iimaanyoog [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
I. ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.

qudduuc [m.l] (-cdyo, m.dh)
Qof waxbixinta ku iimaan xun.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg