ijaar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Lacag laga helo guri baabuur iwm oo kireysan, kiro. 2. I. ah: guri, baabuur iwm oo dadka isticmaalaya lacag laga qaado. ld ajuuro, ijaaro¹.

ijaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Guri, baabuur, iwm cidda isticmaalaysa lacag si joogto ah uga qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ijaar

ajuuro [m.dh]
ld ijaar¹.

ciidan [m.l]
1. Qof, cid hawl u qabto ijaarna ka qaata. 2. (-ammo, m.dh) Xoog abaabulan, hubeysan oo qoran u qaabbilsan difaaca dalka. 3. (e.d) C.amow!: hayaay!, waawareey!.

dhoobbi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.

fujo [m.dh]
1. Ijaar la siiyo cid lagula heshiiyey hawl fulinteedu muddo soconayso. 2. ld fajo.

hawl [m.l]
Wax ijaar ahaan loo siiyo qof shaqo qabtay.

ijaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax cidi ijaaratay ahaansho (baabur, guri iwm)

ijaarasho [m.f.dh]
eeg ijaaro².

ijaarid [m.f.dh]
eeg ijaar².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg