ilays
(m.l) (-syo, m.dh)

Iftiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilays

kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.

naatariyam-haydaroogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.

qaansarroobaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.

borojekshan-sargo'an [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.

cad [m.l]
1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.

cagaariye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.

dabraac [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Cayayaan baallalley ah, waqtiyada roobka la arko oo ilayska ku soo yaaca; hawtal-hamag.

dhalaal [m.l]
Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹.

filaysad [m.l]
ld facaysasho.

filaysasho [m.f.dh]
ld facaysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg