ilbax
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

I. ah: qof aqoon iyo waayo-aragnimo u leh nolosha magaalada.

ilbax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -bixi)

Nolol magaalo aqoon iyo waayo-aragnimo u yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilbax

badow [m.l]
(badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.

ciilbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Qof, wax ciil ka bi'iya samayn.

dibusocod [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof ka soo horjeeda isbeddelka iyo ilbaxnimada.

filbax [m.l]
Bixinta la bixiyo saami cid lagu lahaa.

filbax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Saami cid lagu lahaa bixin.

galtimacruuf [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qof ismooda in uu ilbax yahay laakiinse aan ahay.

ilbaxnimo [m.dh]
1. Ilbax ahaansho. 2. Heer, horumar xagga dhaqaalaha, dhaqanka iwm laga gaaro.

ilbaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Reermagaal ahaansho. 2. Qof nolol magaalo aqoonsan, ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg