ilbidhiqsi
(m.l) (-iyo, m.dh)

ld ilbriqsi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilbidhiqsi

maalin-qorraxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.

caloolmajiir [m.l] (-ro, m.dh)
(daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.

cimri-badheed [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.

ilbiriqsi [m.l] (-iyo, m.dh)
Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. ld ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg