ilbiriqsi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Muddada u dhexeysa il baalasheeda si deg deg ah la isugu qabtay, degdegna loo kala qaaday. ld ilbidhiqsi, ilbiliqsi, ilmilicsi, ilmiliqsi.

ilbiriqsi
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. (fiis.) Halbeeg cabbiraadeed oo waqti oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo. 2. (juqr.) Halbeeg cabbiraaddeed oo lool iyo dhig oo la eg hal-lixdaneed daqiiqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilbiriqsi

kaalandar [m.l] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.

animoomitir [m.l] (-rro, m.dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xawaaraha iyo jihada dabaysha iyada oo halbeeggu yahay intaas oo mayl saacaddiiba ama intaas oo mitir ilbiriqsigiiba.

ilmilicsi [m.l]
ld Ilbiriqsi; ld milicsi.

ilmiliqsi [m.l]
ld ilbiriqsi.

ilnibirsi [m.l]
ld ilbiriqsi.

sekan [m.l]
Daqiiqad; ilbiriqsi. ld seken.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg