ilee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-leeyay, -laysay)

1. Xarig la xirayo il u yeelid. 2. Cid dhabateysasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilee

ebtilee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
ld ibtilee. ibtilee

ibtilee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Dhibaato daran cid gaarsiin. ld ebtilee. ebtilee

bacaad-qaab-bileed [m.l]
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

bahaldileen [m.l] (-nno, m.dh)
ld bahaldile.

beerjileec [m.l]
1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.

biibbiilee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Faras, dameer iwm addimada dambe wax ku haraatin.

cadaadis-gibileed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.

cadaadis-gibileed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa,0,1.01325,x 10 5 Baaskal (N/m2).

calooljileec [m.l]
1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.

dameerabilee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
ld dameeradhaglee.

il [m.dh] (-lo, m.l)
1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg