iliil
(m.dh) (-lo, m.l)

Jeex yar oo tog ku darsama.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iliil

jidhka Golji [m.l]
(baay.) Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay ku wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.

miliilic [Magac Lab | Noun Masculine]
Eegitaan isha lala sii raaco wax ay laabtu u bogtay. ld miliilicid.

miliilic [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.

miliilicasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miliilico.

miliilicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg miliilic². ld miliilic¹.

miliilico [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday, -catay)
Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg