illi
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

U i.: Cid kabo u gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh illi

annilliida [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.

ciddillibaax [m.dh]
1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay.

ciddillibaaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhalasho.

ciddillibaaxin [m.f.dh]
eeg ciddilibaaxi.

dhilli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Mindi, masaar, toorray, iwm daab ka saarid. ld dhilqi.

dhillin [m.f.dh]
eeg dhilli. ld dhilqin, dhilqis.

dhillis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Mindi, masaar, toorray iwm oo aan daab lahayn. ld dhiliq.

dhillisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax daabkii laga saaray ahaansho (mindi, masaar, toorray iwm). ld dhiliqsan.

dhillisasho [m.f.dh]
eeg dhilliso. ld dhiliqsad, dhiliqsasho, dhiliqsi, dhilqad, dhilqas

dhillisnaan [m.f.dh]
eeg dhillisan. ld dhiliq-sanaan, dhiliqsanaansho, dhillisnaansho.

il [m.dh] (-lo, m.l)
1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg