illo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-laday, -latay)

Kabo gashasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh illo

baabillooma [m.dh]
(daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.

laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.

billow [m.l]
ld bilow¹.

billow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-laabay, -lowday; -laabi)
ld bilow².

cilcilloon [m.l]
Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.

cilcillow [m.l]
Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. ld cilcillaw.

cillo [m.dh]
ld cillad.

dhiillo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.

dhiilloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dhilloo dareemid.

dhiillood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg dhiilloo.

il [m.dh] (-lo, m.l)
1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg