illow
(m.l)

Xasuus la'aanta loo yeesho wax hore loo yiqiin. ld illowsho.

illow
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-laabay/-loobay, -lowday; -laawi/-loobi)

Wax hore loo yiqiin xasuusan waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh illow

laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.

billow [m.l]
ld bilow¹.

billow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-laabay, -lowday; -laabi)
ld bilow².

cilcillow [m.l]
Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. ld cilcillaw.

dhillow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dhillo noqosho (naag).

hanfade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Qof illow-shiinyo badan oo fudud.

hillow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
ld hullow.

illayse [Xiriiriye | Conjunction]
ld illowse.

illoobid [m.f.dh]
eeg illow². ld illaawid, illaabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg