ilmo
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Dhallaan; caruur; ubad.

ilmo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilmo

taabasho [m.dh]
(daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad

baabillooma [m.dh]
(daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.

daaddihi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo yar socod barid. 2. Wax si tartiib ah u wadid.

laamee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Geed laamo yeelasho. 2. Ilmo laan yar la dhicid.

oohin [m.dh]
Dareen qofka ilmo ka keena.

saanqaad [m.l]
1. S. ah: ilmo socod-barad ah. 2. Habka qofku u tallaabsado. 3. ld saaqaadid.

saanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ilmo yar socod billaabid. 2. Cid meel ka tegeysa socod billaabid. 3. Cid meel ay joogtay si ay uga tagto sixir ku samayn.

ugax [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-gxaan, m.dh)
1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.

ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.

ummul [m.dh] (-lo, m.l)
Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.

il [m.dh] (-lo, m.l)
1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg