isir
(m.l) (-ro, m.dh)

1. Asalkii hore ee nafleydu ka soo farcantay. 2. Taranta laba tibxood iyo wixii ka badan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isir

absaxan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waalid, isir, ab.

aragtida Darwin [m.dh] (-iyaha ..., m.l)
(baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.

aragti-haraa [m.dh] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (x-a)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (x-a), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.

aragti-isir [m.dh] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.

asal [m.l]
1. Halka ay wax ka soo unkamaan; isir. 2. ld asali.

bayooloji [m.l]
Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.

bilis [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.

dhalasho [m.f.dh]
1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo².

dhufsane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
1. (xis.) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tus. “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tus. “26 waa dhufsane 13”.

hiddarraac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Dad ama xoolo abkood iyo isirkood baarid. 2. (f.mg) Dad iyo xoolo firkood raacid.

is [m.l]
I.kayga, i.kaaga iwm: qof laftiisa, nafta tiisi ah iwm.

is [mu.dhm.ly]
1. magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin. Tus. “Cali ayaa is faanshay”. 2. magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale. Tus. “Labadoodu waa is waayeen”.

is [Erey Dareen | Exclamation]
Erey xoolaha lagu yiraahdo kolka la doonayo inay dib u noqdaan ama leexdaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg