iskudhis
(m.l) (-syo, m.dh)

1. Ku faanidda darajo ama hanti ee qof kale leeyahay. 2. Laba curiye ama ka badan oo si falgal kiimikeed isugu taga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iskudhis

naanays [m.dh] (-syo, m.dh)
(kiim.)Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.

saabuun [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

yarayn [m.dh]
(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.

aldhihaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.

alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.

alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.

alkeyn [m.dh] (-no, m.dh)
(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.

alkiin [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.

alotarobi [m.l] (-iyo, m.dh)
(kiim.) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.

amayn [m.dh]
(kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg