iskudhufasho
(m.dh)

(xis.) Summad x. Xisaabfalka labaale ee lagu helo taranka laba ama dhowr xaddi. Dhinac kale marka laga eego iskudhufashadu waa isugeyn soo noqnoqata. Tusaale ahaan, 3 x 4 = 3 + 3 + 3 + 3 = 12.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iskudhufasho

aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

iskudhufasho-foolwaa [m.dh]
(xis.) Iskudhu-fashada leeb iyo xaddi foolwaa ah, taas oo yaraysa ama fidisa dhererka leeb.

iskudhufasho-leeb [m.dh]
(xis.) Iskudhufa-shada laba ama dhowr leeb. Taas oo loo qeexi karo laba siyaabood iyada oo loo eegayo in jawaabtu tahay leeb ama foolwaa midkood.

lagudhufte [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
(xis.) Tirada ama tibixda lagu dhufto tiro ama tibix kale (dhufte) marka la sammeynayo iskudhufasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg