iskujir
(m.l) (-rro, m.l)

Waxyaabo kala jaad ah oo isku qasan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iskujir

awlal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Feeraha iyo hilibka saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagbta shinnida.

badan-midab-ileys [m.dh] (-syo, m.dh)
(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

birdhaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.

cadaadis-qaybeed [m.l]
(fiis.) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.

dheecaan-gaastarig [m.l]
(dhecaanno ..., m.dh) (c.nafl.) Iskujir asiidhan oo ka kooban cusbooyin aan orgaanik ahayn, haydarookoloorik asiidh, iyo insaymyo dheefshiid. Tusaale ahaan: bebsin, oo ay soo saaraan qanjidho ku safan calooshu.

falgal-geddismi-kara [m.l]
(kiim.) Falgalka kiimikaad ee labada dhinacba u socon kara. Guud ahaan, falgaleyaasha iyo maxsuulladu waxa ay isku yihiin iskujir dheellitiran.

kala-kaan [m.l]
(kiim.) Wax la xidhiidha in ka badan hal weji. Iskujir kala kaan ah, tusaale ahaan, wuxuu ka koobanyahay laba ama dhowr weji oo kala muuqda.

midabsawir-saafid [m.l]
(kiim.) Xeelad lagu kala sooco ama lagu saafo iskujirrada kakan. Dhawr xeeladood oo la xiriira habkan ayaa jira, kuwa ugu muhiimsanina waa: midabsawir saafid dhuumeed, midabsawir saafid warqadeed, midabsawir saafidda lakabka dhuuban, midabsawir saafid neefeed iyo midabsawir saafidda isweydaarinta ayooneed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg