islaan
(m.l)1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/-aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.
islaan
(m.dh) (-aamo, m.l)Qof dumar ah oo da'weyn.
islaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)Muslim noqosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh islaan ↴
maaliki [m.dh]
(dii.) Afarta mad-habood oo waaweyn ee diinta Islaanka mid ka mid ah.
arkaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
A.ta islaamka: shanta tiir ee diinta islaanka ku taagan tahay. ld arkaanu-islaan.
arkaanu-islaan [m.l]
ld arkaan.
aw [m.l]
1. Nin cibaadeysta oo aan diinta Islaanka wax badan ka aqoon. 2. Awoowyaashii hore. 3. ld aawo, awo¹.
axkaan [m.dh]
1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
beytimmaal [m.l]
1. B. ah: hanti baylah ah. 2. Keydka dhexe ee Dawladda Islaanka. ld baytammaal¹, baytimmaal¹, beytummaal¹.
beytulxaraam [m.l]
Masjidka barakeysan ee masaajaddada Islaanka ugu weyn oo Maka ku yaal.
bidco [m.dh] (-ooyin, m.l)
(dii.) Dhaqan diimeed cusub oo aan diinta Islaanka ka mid ahayn oo lagu soo daro.
bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
bislaan [m.f.dh]
eeg bisil. ld bisayl (4), bislaansho.