islaweyni
(m.dh)

1. Qab weyni laysu qabo. 2. Marka la amminsanyahay in dalka ama qolada laga tirsanyahay ay ka wanaagsanyihiin, muhimmadna ka leeyihiin waxa kale oo dhan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh islaweyni

batraan [m.l] (-nno, m.dh)
Kibir badan; islaweyni.

dibbiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dibbirsan ka dhigid. 2. Is d.: si islaweyni leh u muuqasho.

isfidhikhi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Kibir iyo islaweyni muujin.

isfoohaari [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Xarrago islaweyni ku jirto muujin.

kibir [m.l]
Qab iyo islaweyni.

kibir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bray, -birtay; -bri)
Qab iyo islaweyni muujin.

qabweyn [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof islaweyni badan ahaansho.

qashaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Qof islaweyni aan dhab ahayn muujin. 2. Ka q.: cid jirro ama yasid awgeed uga fogaansho.

qooq [m.l]
1. Xoolaha lab siiba awrta sida ay noqdaan xilliga ay diyaar u yihiin inay wax abaahiyaan. 2. Ciyaar; dheel. 3. Kacsi. 4. Kibir; islaweyni.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg