isle'eg
(m.dh) (-gyo, m.dh)

(xis.) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.

isle'eg
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-ekaa, -ekayd)

Isku jin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isle'eg

laace [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).

xaglo-talantaali [m.l] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.

afargees [m.l] (-syo, m.dh)
Shaxan joometeri ah oo afar dhinac oo isle'eg leh.

aragti-haraa [m.dh] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (x-a)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (x-a), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.

buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).

caanomaallo-isle'eg [m.dh]
(c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.

darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.

dhulbar [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. ld dhulbare.

doro [m.dh]
Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.

ekaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax isle'eg ama wax kale u eg, ka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg