islis
(m.l)

Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.

islis
(m.l)

(fiis.) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.

islis
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

Is xoqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh islis

isgoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -ooysay)
1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid.

is-haysasho [m.dh]
(fiis.) Caabbiga ka horjeeda socodka ka dhasha dareere. Ha ahaato, socodka dareere marka uu qulqulayo ama socodka walax adke ah oo dhexmaraaya dareere. I. waxa uu ka dhashaa xoogga isliska ee ka jira dareeraha gudihiisa, waxana sababa xoogga ah isjiidadka ka dhexeeya molikuyuulada dareeraha. ld isjiidasho.

islisid [m.f.dh]
eeg islis³.

liciifis-habdhis-makiineed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Yaaranta qotonka gariirka ayna ugu wacantahay tamarta ka lunta qaybaha gariiraya, kuna baxda ka-hortagga xoogagga isliska ama xoogagga caabbiga.

waran-cireed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.

weheliyaha isliska neg [m.l]
(fiis) Summad m. Saamiga xoogga isliska ee suurtaggalka ah uguna sarreeya iyo xoogga ku ligan dulaha is taabanaya m = Ff/Fn. Ff taas oo Ff - ay tahay xoog isliska, Fn - ay tahay xoog liganaha.

xaydhayn [m.dh]
(fiis.) Isticmaalka saliidda, xaydha iwm, si loo yareeyo xoogga isliska ee ka dhexeeya dulaha istaabanaya, loogana hortago daxalka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg