israac
(m.l) (-cyo, m.dh)

Isutagga laba ummadood iwm ay yeeshaan iyagoo maamul siyaasadeed oo isku mid ah wadaaga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh israac

dhiibitir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid dhaawac ah israacin.

dhiibitiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).

israaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax aad u jecleysasho. 2. Qof dhaawac ah dilid. 3. Qabyo dhammaystirid. 4. Qoryo shidmaya afkooda isugeyn.

israacin [m.f.dh]
eeg israaci. ld israacis.

israacis [m.l]
ld israacin.

mataan [m.dh] (-no, m.dh)
1. Labo ilmo oo hooyo isla mar dhashay midkooda dheddigga. 2. Laba waxyaalood oo laysugu magacdaro ama la israaciyo. 3. Ceel af dhuuban, biyo badan oo ceelal kale ku dhow.

midee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. ld mideysii.

naftir [m.l]
N.kayga, n.kaaga, iwm: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo.

naftir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhaawac israacin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg