israaci
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax aad u jecleysasho. 2. Qof dhaawac ah dilid. 3. Qabyo dhammaystirid. 4. Qoryo shidmaya afkooda isugeyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh israaci ↴
dhiibitir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid dhaawac ah israacin.
dhiibitiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).
israacin [m.f.dh]
eeg israaci. ld israacis.
israacis [m.l]
ld israacin.
mataan [m.dh] (-no, m.dh)
1. Labo ilmo oo hooyo isla mar dhashay midkooda dheddigga. 2. Laba waxyaalood oo laysugu magacdaro ama la israaciyo. 3. Ceel af dhuuban, biyo badan oo ceelal kale ku dhow.
midee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Dad figrad iyo degaan kala duwan lahaa israacin. ld mideysii.
naftir [m.l]
N.kayga, n.kaaga, iwm: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo.
naftir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhaawac israacin.