isrogrog
(m.l)

(nax.) Nadooca ama isrogrogga ku dhaca falka, arrinkaasoo ku xiran: habka, amminka, qofka, tirada iwm. Tus. “Hibaaq way tagtay”, “Hibaaq iyo Cigaal way tageen”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isrogrog

masdar [m.l] (-rro/-saadir, m.dh)
(nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.

sarfe [m.l]
(nax.) Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samay-sankooda iyo xagga isrogroggooda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg