istaag
(m.l)

Taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. ld istaagid.

istaag
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ahaasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh istaag

haaneed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami. habsami

yoolaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Si macno la'aan ah meel u istaagid.

aawo [m.dh]
Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw.

baal [m.dh] (-lo, m.l)
Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

buturi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Is b.: qof caro iyo isla weynaan awgeed gaar u istaagid.

caanallul [m.dh]
Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.

cirbadhiibsi [m.l]
Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho.

cirbadhiibso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.

cirbataag [m.l]
Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbataagid.

cirbataag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg