istaaji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax hoos yiil kor u qaadid iyadoo la taagayo. 2. Wax socday joojin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh istaaji

taaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof ama wax meel istaajin.

yuub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. ld yuuc².

agjooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax kale oo taagan meel u dhow istaajin.

hoobiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qori boobe culus ah, lugo lagu istaajiyo leh oo xabbado badani ka dhacaan.

hortaag [Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1] (-gay, -gtay)
Wax dhanka hore istaajin.

istaajin [m.f.dh]
eeg istaaji.

jilbajooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid jilbaha ku istaajin.

jooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.

kici [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg