isticmaalid
(m.f.dh)

eeg isticmaal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isticmaalid

idlayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Wax dhammaantood isticmaalid. 2. Wax inta ugu dambeysa isticmaalid.

adeegso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tus. “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.

baatul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid. Tus. “Wiilkii dukaankii buu baatulay”.

gacantogaalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-eeyay, -eysay)
1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.

hubkadhigid [m.dh]
(siyaa.) Dhimid, ama joojinta isticmaalidda hubka.

khasir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Hanti si aan habbooneyn u isticmaalid. 2. Cid ganaaxid.

loofar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ku l.: maal si xun u isticmaalid.

meelgaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iwm meel ku tegid.

shafeecso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax faa'iidadooda iyo waxtarkooda isticmaalid.

isticmaal [m.l] (-llo, m.dh)
Adeegsiga shey loo adeegsado waxa lagu qaban karo.

isticmaal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Wax adeegsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg