isugee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-geeyay, -geysay)

Laba tiro ama ka badan isku darid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isugee

wadar [m.dh]
(xis.) Jawaabta la helo marka laba ama dhawr tiro ama xaddi la isugeeyo.

isugeeye [m.l]
Gawaad; ruufiyaan.

isugeyn [m.f.dh]
eeg isugee.

tibix-guud [m.dh]
1. (xis.) Guud ahaan, qayb ka mid ah isle'eg ama tibaax-xisaabeed. Marka laga hadlaayo tibxaale tibixyadu waa tibaaxaha oo la isugeeyo. 2. (xis.) Tibixda guud ee susun ama dareerin waa tibaax la hoos dhigay abyoone, kaas oo lagu helo geleye kasta ee rabo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg