isuqaybin
(m.dh)

(xis.) Astaanta :. Xisaabfalka labaale ee lagu helo qaybta laba xaddi (tiro). Isuqaybinta waa xisaabfalka weydaarka u ah iskudhufashada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isuqaybin

aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

hormoggal [m.l]
(xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.

xeerka kala-hormarinta [m.l]
(xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg