isutag
(m.l)

1. Is raaca laba dawladood, laba ummadood ama ka badan ay is raacaan iyagoo hab siiyaasi wadaagaya. 2. Galmoodka dhex mara ragga iyo haweenka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isutag

cudur-raagay [m.l] (-rro ..., m.dh)
(daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka. cudurrada galmada (C.G.) m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.

gadaala-aqoon [m.dh]
1. Aqoonta xooluhu u leeyihiin kudmada (awr). 2. Kasmo iyo aqoon u lahaasho xubnaha taranka: isutaggooda iyo sida caruurta loo dhalo ama u dhalato. ld gaadala-aqoon.

wasmo [m.dh]
Galmo; isutag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg