isweydaar
(m.l)

Iska-horimaad; isdhaaf.

isweydaar
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. I. ah: lug iyo addin aan isku dhinac ahayn. 2. I. ah: isdhaafidda la isu dhaafo labo jaho oo isku cid ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isweydaar

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

haasaawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi. haasaawi

wadahadal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dlay, -dashay; -dleen)
Laba qof ama ka badan dood isweydaarasho.

aqoon-isweydaarsi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Dood dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado..

birqaab [m.l] (-byo, m.dh)
1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iwm lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. ld birqabad.

dabammar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid.

dhaafdhaafi [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid.

gacansaar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Cid, cid dagaal ka dhexeesa la heshiin. 2. (f.mg) Is g.: cid, cid kale dagaal gacanta la adeegsanayo isweydaarasho.

gudub [m.l]
1. Hab cayaarta waalada loo dheelo oo laba qof si isweydaar ah gacmaha isu dhaafsadaan. 2. Babac. 3. ld gudbid.

isdhaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. (f.g) Laba wax ama ka badan oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarasho. 2. (f.g) Laba ama ka badan oo wax isku hayey isnabadgelin. 3. (f.mg) Cid waalasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg