iyada
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)

Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee kelida oo dheddig ah (tan laga hadlayo ama wax laga qorayo). ld iya¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iyada

gaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Wax ka dheeraan iyada oo muujinaya diidmo iyo nicitaan (nafley).

gaafmeer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel cidla ah socosho iyada oo layska ilaalinayo dad; kormeerid; afmeerid. ld gaafammeer², gaafwareeg². kormeerid, afmeerid, gaafammeer, gaafwareeg

haaneedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.

kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù

maalingaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Hawl maalin dhan wadid iyada oo aan la kala goyn.

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.

rable [m.l]
1. ld rablayn. Bood-boodidda nafleydu samayso iyada oo hadba meel kale tageysa. 2. Tidic waaweyn oo timaha haweenka lagu sameeyo.

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

iya [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
ld iyada.

iya [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
ld iyaga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg