jac
(m.dh)

1. Biyo kulul oo danabka ka dhasha oo nafleyda guba marka ay gaaraan. 2. Ceeb aad u weyn. 3. Cudur ariga ku dhaca xilliyada roobka oo jirku yeesho finan iyo dildillaac.

Jac*

eray loo adeegsado marka dameeraha la dhaqaajinayo.  jac = soco 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Jacayl naftaada kaagama horeeso*

Markaad naftaada jaclaan weeyso cid kujeclaaneeso majirto


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jac

saajac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-cyo, m.dh)
S. ah: qof dhiiran oo aan cabsan; geesi.

saajacnimo [m.dh]
Saajac ahaansho.

abjac [m.l] (-cyo, m.dh)
A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.

abjacnimo [m.dh]
Abjac ahaansho (qof).

afceli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.

caashaq [m.l]
1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid.

coorcoor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Jir nafley, jactad ku dhicid qabow ama jirro darteed.

cutad [m.l]
Harag ama saan isku jactadsan.

dhiibi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Maro, harag iwm togid si jactadku uga ba'o.

fajac [m.l]
Amankaag; ashqaraar; yaab.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg