jan
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

1. Wax jeclaysi jirro oo kale ah oo ku dhaca haweenka uurka leh. 2. Jacayl xad dhaaf ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jan

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.

xagal janjeedh [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.

xagli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.

arjantam [m.l] (-mmo, m.dh)
(kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.

aw-batiiqow [m.l]
Ciyaar dhaqameed si gaar ah looga yaqaan degaanka Janaale.

bacaad-qaab-bileed [m.l]
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

dhadhaab-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.

dhalleex [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-xay, -xday)
1. (f.g) Dhinac eegid. 2. (f.mg) Wax janjeerin. ld dhalleec², jalleec².

dhalleexi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Weel janjeerin. ld dhalleeci, janjeeci.

dhidib-dhuleed [m.l] (-byo ..., m.dh)
(c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh.dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg