jirjir
(m.l)

1. Dhabarka dadka iyo nafleya kale. 2. Labada dhinac ee feeraleyda midkood. 3. Mindi iwm dhinaca wax gooya, ma ahee dhinaca kale. 4. Webi, beer iwm gawgoo-da.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirjir

farajirjir [m.l]
ld faraggirgir.

geeldhugeeye [m.l]
Xamaarato yar oo qallajista le'eg oo hadba midab isu yeesha; jirjirroole. ld geelrugeeye, geel-ururugleey.

jirjirree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -reysay)
1. Dhabar u seexasho. 2. Dhabar u dabaalasho. 3. Qof hadba dhinac isu rogid.

jirjirreyn [m.f.dh]
eeg jirjirree.

jirjirroole [m.l]
1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.

roor [m.l]
1. Orod. 2. Jirjiroole. 3. Cudur maskaxeed geela ku dhaca oo la rumaysanyahay in uu ka qaado qaniinyada jirjirroolaha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg