jirmo
(m.dh)

ld jirme.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirmo

jirme [m.l]
(bot.) Geedgaab, qodax yaryar iyo caleemo balballaaran leh, dhulka buuralay-da ah ka baxa oo qoloftiisa wax lagu aslado. ld jirmo.

jir [m.l] (-rar, m.l)
1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.

jir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg