jirran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Nafley wax jirro hayso ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirran

caafimaaddarro [m.dh]
Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.

udullubi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley jirran si tartiib ah u wadid.

aammusi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.

ambalaas [m.l] (-syo, m.dh)
Baabuur gaar ah oo loogu tala galay in si degdeg ah cid aad u jirran ama dhaawac ah loogu gaarsiiyo isbitaal.

biskoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Nafley jirranayd caafimaad helid.

bukaanqaad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.

bukaansocod [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.

bukaansocod-eegto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meesha dadka jirran lagu baaro cudurradooda oo lagu daaweeyo, laakiin aaney seexan.

cagsalaax [m.l]
Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.

daawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -weysay)
1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg