jirrid
(m.dh) (-do, m.l)

Qaybta hore ee geedka ee xididdada ka sarraysa; sal; gun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirrid

laamallooye [m.l]
(bot.) Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. ld laamalloodshe.

laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.

badhi [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
(bot.) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”.

bashaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(bot.) Nooc dhirta ka mid ah, oo jirriddooda, caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.

caws [m.l]
Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.

dhir-abaareed [m.dh] (-ryo ..., m.dh)
(bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.

dhud [m.dh] (-do, m.l)
1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood. 2. Summan ama xargo qalab ka koobanyahay middood. 3. Maro shan mitir ah. 4. Jirrid dhuuban.

dhuux-geed [m.l]
(baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa- nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab- dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin 0 dh.g Shaqada dh.g.ku waa kaydinta cuntada.

diir-hoose [m.l] (-ayaal, m.dh)
(bot.) Botani ahaan, nudaha u dhexeeya dubka sare iyo habdhiska kalli ee jirridaha iyo xididdada geedka.

ganguuman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-mnaa, -mnayd)
Geed iwm wax jirridda laga jaray ahaansh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg