jiscin
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. ld jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.

jiscin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-imay, -intay; -imi)

Cunto safar ama socdaal loo qaato cid siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiscin

jicsin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld jiscin¹ (1).

jiscimaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax jiscin leh ahaansho (wadaan).

jiscimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Wadaan jiscin u yeelid.

jiscimid [m.f.dh]
eeg jiscin².

sahay [m.dh]
Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg