jixinjix
(m.l)

1. Naxariis; raxmad. 2. ld jixinjixid.

jixinjix
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

U j.: cid naxariis u yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jixinjix

calool-adag [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dkaa, -dkayd)
1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la'aan.

dubnax [m.l]
Naxariis; jixinjix.

dubnax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -nixi)
U d.: cid dhibaato haysato uga jixinjixid.

jadeerwac [m.l]
1. ld jadeerwicid. Aadista meel aad u fog la aado. 2. Oggolaansho la'aan. 3. Naxariis, jixinjix.

jadeerwac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -wici)
1. Meel aad u fog aadid. 2. Wax diidid. 3. Cid u jixinjixid.

jimic [m.l]
1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.

jixinjixid [m.f.dh]
eeg jixinjix². ld jixinjix¹ (2).

miciin [m.l]
1. Waxtar, kaalmo, gargaar, jimic, jixinjix. 2. ld miciinid. ld maciin¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg