joodari
(m.l) (-iyo, m.dh)

Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joodari

firaash [m.l] (-shyo/furshaan, m.dh)
1. Joodari. 2. Maryaha, bustaha iwm ee la dul saaro joodariga. ld furaash.

firaash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Maro, buste iwm joodari dul saarid.

goodari [m.l]
ld joodari.

qaymbaar [m.dh]
Duf xaskusha u eg oo geedka naarjiinta ka baxda oo joodari iwm laga sameysto.

qobtol [m.l] (-llo, m.dh)
Heeryo qaab joodari leh oo ka samaysan caws adag oo maryo jiljilicsan dusha kaga dahaaran yihiin.

qobtol [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-olay, -oshay)
Heeryo qaab joodari u tolid iyadoo maro jilicsan dusha looga dahaarayo.

sariir [m.dh] (-ro, m.l)
1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg