joogjoog
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

Meel dan la'aan u joogid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joogjoog

joogjooge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Dhis maqaar, qoryo, iyo caws laga sameeyo oo qaab nirgood ama weylood leh oo la tuso hasha ama saca ilmihiisu dhinto, si uu u godlado. 2. Socod dheer oo aan nasiino lahayn oo maalin la socdo.

joogjoogid [m.f.dh]
eeg joogjoog.

joogjoogle [m.l]
1. Roob aan kala go'lahayn oo habeenkii da'a. 2. Legdan laba qofood oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacmood laabto oo lugaha kaliya ku legdamo.

joogjoogsad [m.l]
ld joogjoogsasho.

joogjoogsasho [m.f.dh]
eeg joogjoogso. ld joogjoogsad, joogjoogsi.

joogjoogsi [m.l]
ld joogjoogsasho.

joogjoogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg