joogsad
(m.l)

ld joogsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joogsad

xalxal [m.l]
Barbarar jilicsan oo oogadu yeelato, inta haragga hoostiisa biyo iyo dhacaan ku soo joogsadaan.

yur [Erey Dareen | Exclamation]
Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.

buulley [m.dh]
(c.nafl.) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.

dhaqaaqjoogle [m.l]
Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad.

dhaqaaqjoogsad [m.l]
ld dhaqaaqjoogsasho.

dooh [Erey Dareen | Exclamation]
Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.

embolas [m.l] (-syo, m.dh)
(daaw.) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.

hakad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. ld hakasho.

horjoogsad [m.l]
ld horjoogsasho.

jilbajoogsad [m.l]
ld jilbajoogsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg