joogsasho
(m.f.dh)

eeg joogso. ld joogsad, joogsi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joogsasho

taag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.

dhaqaaqjoogsasho [m.f.dh]
eeg dhaqaaqjoogso. ld dhaqaaqjoogsad, dhaqaaqjoogsi.

fariiso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Salka meel saarid. 2. (f.mg) Dareere garoorid. 3. (f.mg) Ka f.: wax ka joogsasho. ld fadhiiso.

feer [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Fara duuban wax ku dhufasho. 2. (f.g) Tin iwm shanleyn. 3. (f.g) Wax dalliig u dillaacin. 4. (f.mg) Roob da'ayay joogsasho.

giig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka g.: wax ka dhergid. 2. Ka g.: wax ka joogsasho iyada oo laga cabsanay.

hako [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-kaday, -katay)
In yar joogsasho.

horjoogsasho [m.f.dh]
eeg horjoogsad. ld horjoogsad, horjoogsi.

isugujoogsasho [m.f.dh]
eeg isugujoogso. ld isugujoogsi.

jilbajoogsasho [m.f.dh]
eeg jilbajoogso. ld jilbajoogsad, jilbajoogsi.

joogjoogsasho [m.f.dh]
eeg joogjoogso. ld joogjoogsad, joogjoogsi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg