joogsi
(m.l)

1. Astaan dhibic ah oo hadal dhan oo qoraal ah dhammaadkiisa lagu dhigo. 2. ld joogsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joogsi

yohoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid.

aayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.

astaamayn [m.dh]
(nax.) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.

bawaasiir [m.dh] (-rro, m.dh)
(daaw.) Ballaarashada xididdada badan ee dhiiggu ka buuxo oo ku yaal futada qarkeeda. Badanaa waxa keena calool joogsi muddo dheer socday ama shuban. ld baabasiir, baabusiir, baawasiir.

dhaqaaqjoogsi [m.l]
ld dhaqaajoogsasho.

dhibic [m.dh] (-bco, m.l)
1. In yar oo hoore qaab kankoonsan leh oo meel ka soo go'a. 2. Tirada tartan, imtixaan, ciyaar iwm laga keeno. Tus. “Cali imtixaanka wuxuu keenay konton dhibcood”. 3. Roob xoog leh. 4. Joogsi.

dhiig-joogsi [m.l]
(daaw.) Joogsashada dhiig socday oo ay keentay shaqada dabiiciga ah ee jirka oo ka kooban xinjirowga dhiigga iyo iskuroorka xididdada go'ay.

holac-kiishyaro [m.l] (-cyo ..., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.

horjoogsi [m.l]
ld horjoogsasho.

isugujoogsi [m.l]
ld isugujoogsasho.

joog [m.l]
1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. ld jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.

joog [m.l]
(juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.

joog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg