joogto
(Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate)

1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn.

joogto
(m.dh)

(nax.) Ammin faleed tilmaama fal dhacaya isla marka la joogo oo lagu dhawaaqayo warka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joogto

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

laasim [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Wax joogto ah.

raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

ajnebiyad [m.dh]
Dumar aan u dhalan dalka ay joogto.

amiiba [m.dh] (-booyin, m.l)
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.

aragtida kuwaantam [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.

baaxaadeg [m.l]
Degganaan la'aan joogto ah. ld baaxaaddeg¹.

baaxaadeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Degganaan la'aan joogto ah la kulmid. ld baaxaaddeg².

baaxaadegan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la kulmay degganaan la'aan joogto ah ahaansho. ld baaxaaddegan.

joog [m.l]
1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. ld jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.

joog [m.l]
(juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.

joog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg